Madaxweynaha Puntland oo kulan La qaatay Madax Ka Socotey Hay’adda MSF

0

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Mudisho ayaa xarunta  Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiin ka socotey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

Madaxweyaha iyo Masuuliyiintii ka socotey hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa kulankooda kaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa adeegyada caafimaad ee ay hay’adda MSF ka fuliso Puntland isla markaana loosii ballaarin lahaa barnaamijyadaasi caafimaad si loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh guud ahaanba gobollada.

Mas’uuliyiintii ka socotey Hay’adda MSF ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta kala dhexaysa Puntland, isla markaana waxay ammaaneen nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland, sidoo kalena waxa ay  ballan qaadeen in ay  dhowaan  kusoo kordhin doonaan qaybo kamid ah  xarumaha caafimaadka ee Puntland goobo si gaar ah loogu talo galay xannaanada hooyada iyo dhallaanka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey hay’adda MSF shaqada muhiimka ah ee ay u qabteen shacabka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu ku boorriyey in ay sii laba jibbaaraan dedaalkooda.

Ugu damayn Madaxweynaha dawladda Puntland aya sheegay in ay dawladda Puntland la shaqayn doonto  hawl-wadeenada hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF  si’ay  bulshada u gaarsiiyaan adeeg caafimaad oo tayo leh.

1870c626-6ecf-4433-9ad7-28771895b236 cc3c7386-4321-41b7-8c86-8cdfe61dc6f2

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here