Dowlada dalka Turky-ga oo dhawaan balan-qaaday in gar-gaar Cuno ay u soo diri-doonto gudaha Soomaliya ayaa maanta markii ugu horeeyay waxaa kusoo xirtay Dekadda Magaalada Muqdisho markabkii ugu horeeyay ee wada Cuno Gar-gaar.
Munaasabada kooban oo ka dhacday xarunta Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Turky-ga, Hay’ada Bisha Cas iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya.
Ugu Horeyntii Danjire Olgan Baker safiirka dowlada Turkiga u fadhiya wadanka Soomaaliya oo gudaha Dekedda Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in gargaarkaan ay ugu talo galeen shacabka Soomaaliyeed, lana gaarsiinayo dadka mudan.
Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya mudane C/rashiid Maxamed Xidig oo gar-gaarka kala wareegay dowlada turkey-ga ayaa sheegay in dowlada si siman gargaarkan ay ugu qeybin doonto dadka Soomaaliyeed, isagoo u mahad celiyey dowlada iyo shacabka dalka Turkiga.
Markabka maanta kusoo xirtay Dekada Magaalada Muqdisho ayaa siday 11-kun oo tan oo cunto ah.












