Maxamed Axmed Diiriye“Ciidamada Amaanka Waxa ay Sii Xoojin Doonaan Xaqiijinta Amaanka Gobolka Banaadir+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lasii xoojin doono Sugida Amniga Gobolka Banaadir inta lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo maalmo ay naga xigaan.

Gudoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed diiriye (Yabooh) oo warbaahinta Shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaariyay talaabooyin horleh oo lagu xoojinaayo Amaanka Gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed Axmed diiriye (Yabooh) ayaa Tilmaamay in Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha Amniga Gobolka Banaadir maalmihii dambe ay yeelanayeen Kulamo loogu hadlaayay amaanka Gobolka Banaadir iyo sidii loo xoojin lahaa amniga caasimada inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

“Ciidamada Amaanka waxa ay sii xoojin doonaan xaqiijinta Amaanka Gobolka Banaadir  inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayuu Yiri Gudoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed diiriye(Yabooh)  oo maanta wabaahinta kula hadlay Muqdisho”.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxaa Muqdisho loogu bartay in ay ka dhacaan qaraxyo iyo isku hor imaadyo dhexmara Ciidamada Dowlada , AMISOM iyo Al-shabaab oo Caasimada laga saaray Sanadkii 2011-kii.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here