Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa maanta kormeeray Goobaha ay ka socdaan Maalintii Labaad Imtixaanka Shahaadiga Dusgiyada Sare ay sanadkii Labaad qaadayso Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Soomaliya.
Gudoomiyaha iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah maanta u kormeeray xarunta isgoyska KM4 Degmada Hodan oo kamid ah goobaha ay sanadkaan Wasaarada waxabarashada ku qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga Dusgiyada sare.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Ardayda kula dardaarmay inay si wanaagsan wax u bartaan oo ay ka faa’iideystaan horumarada kala duwan ee dalka xiligaan ka jiro, isagoo u rajeeyay in uu imtixaanka ugu soo dhamaado si Guul ah.
Wasaarada Waxabarashada Xukuumada Soomaliya ayaa sanadkii Labaad ku Guuleysatay qaadista Imtixaanka Shahaadiga Dusgiyada sare iyadoo sidoo kale maalintii Labaad ay sidaan oo kale ay ardeyda ugu galayaan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.








