Kenya iyo Somaliya ayaa lagu wada in ay wada fadhiistaan ka hor inta aysan labadaan wadan kasoo hor muuqan Maxkamada Cadaalada September 9, 2016-ka, halkaas oo ay dacwad ku saabsan xuduud badda ee somaliya iyo Kenya ay taalo taasi oo la sheegay in cidii ku guulaysata labadooda ay faa iido badan ka heli doonto mustaqbalka .
Sida laga soo xigtay Wargeyska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa Somaliya ayaa dacwad ka dhan ah Kenya in ay kusoo xad gudubtay biyaheeda waxa ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ loo soo gaabiyo magaceeda.
Dacwadaan ayaa Maxkamada ICJ loo gudbiyay bishii August ee sanadii 2014-kii xiligaas oo Somaliya ay walaac balaaran ka muujisay xad gudubka dawlada Kenya ay ku sheeganayso qayb ka mid ah biyaha badda ee somaliya.

