Ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay Dhalinyaro la sheegay in ay doonayeen si tahriib ahaan in ay kaga baxaan Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Gudoomiyaha Gobolka Bari, ee Maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado), ayaa xaqiijiyay in kontoroolka iyo Gudaha Magaalada Boosaaso ay ku qabteen 70 qof oo tahriibayaal Soomaali ah, kuwaa oo sideed ka mid ah uu ku sheegay In ay ahaayeen dumar.
Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado), waxa uu ku tilmaamay ujeedka Dhalinyarada gacanta loogu soo dhigay in ay tahay sidii loo badbaadin lahaa Noloshooda madaama ay damacsanaayeen in si tahriib ahaan ay ku tagaan dalka Sacuudiga.
Maamulka Puntland Amaro uu dhawaan soo saaray ayuu ku mamnuucay Tahriibka, iyadoo ay wali jiraan Dhalinyaro badan oo ka baxaya Xeebaha deeganada Maamulka Puntland.

