Tahriibayaal Lagu Qabtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari

0

Ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay Dhalinyaro la sheegay in ay doonayeen si tahriib ahaan in ay kaga baxaan Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Gobolka Bari, ee Maamulka Puntland  Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado), ayaa xaqiijiyay in kontoroolka iyo Gudaha Magaalada Boosaaso ay ku qabteen 70 qof oo tahriibayaal Soomaali ah, kuwaa oo sideed ka mid ah uu ku sheegay In ay ahaayeen dumar.

Mudane Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado), waxa uu ku tilmaamay ujeedka Dhalinyarada gacanta  loogu soo dhigay in ay  tahay sidii loo badbaadin lahaa Noloshooda madaama ay damacsanaayeen in si tahriib ahaan ay ku tagaan dalka Sacuudiga.

Maamulka Puntland Amaro uu dhawaan soo saaray ayuu ku mamnuucay Tahriibka, iyadoo ay wali jiraan Dhalinyaro badan oo ka baxaya Xeebaha deeganada Maamulka Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here