Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka Furmi doona shirka loogu hadlaayo Hanaanka Doorashooyinka dalka Sanadka 2016-ka.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa Dowlada Soomaliya iyo Kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka jira , sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed Soomaliya iyo juba-land oo siyaabooyin kala duwan shalay kusoo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Madax Ka socota Beesha Caalamka oo shirka goob-joog ka noqon doona Qodobada loogu Hadlaayo.
Qodobada ugu Muhiinsan ee shirka Maanta loogu hadlaayo waxaa kamid ah qaabka loo wajahaayo Hanaanka Doorashooyinka oo bisha August la filayo in dalka ay ka dhacaan sida ay dowlada ay horey u shaacisay.

