Shirka Loogu Hadlaayo Hanaanka Doorashada oo Maalinta Bari ah ka Furmaya Muqdisho

0

Maalinta bari oo Axad waxaa Magaalada Muqdisho ka Furmi doona shirka loogu hadlaayo  Hannaanka geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynayaasha Maamulka Juba-land, Galmudug, Puntland, iyo Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa saacidihii aynu soo dhaafnay soo gaaray Mgaalada Muqdisho iyagoo bari Muqdisho kaga qeyb gali doona shirka loogu hadlaayo Hanaanka Doorashada.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in ujeedka safarka Muqdisho uu yahay sidii loogu hadli Hanaanka Doorashada Soomaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Juba-land Shiikh Axmed Maxamed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhankiisa sheegay in shirka uu yahay dhameystirka Hanaanka Doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Shirka bari sidoo kale waxaa loogu hadlayaa Maqaamka Gobolka Banaadir uu ku lahaan doono Aqalka sare oo ah qodobada ay isku haystaan Madaxda dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka dalka ka jira.

Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyay Hanaanka doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here