Raisul wasaare ku-xigeenka Soomaliya oo kormeeray Goobaha Imtixaanka Shahaadiga Lagu qaadayo+Sawirro

0

Raisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Jaamacadda Ummadda oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016.

Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa mid mid u galay Fasalada ay ku galayeen Ardeyda maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016. Isagoo u rajeeyay guul iyo in uu imtixaanka ugu dhamaado si nabad ah.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Bile Nuur oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu sanadkii labaad ay qaadayso imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu intaa ku daray in ay ka bilaabatay guud ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaliya.

Wasaaradda Waxbarashada  Xukuumada Soomaliya  ayaa sanadkii Labaad ku guuleysatay qaadista Imtixaanka shahaadiga iyadoo maanta ay u fariisteen 19,112 arday (Sagaal iyo toban kun, boqol iyo toban iyo labo arday).

vlcsnap-2016-05-28-14h34m23s51 vlcsnap-2016-05-28-14h36m00s235 vlcsnap-2016-05-28-14h37m56s110 vlcsnap-2016-05-28-14h38m38s52 vlcsnap-2016-05-28-14h38m50s165 vlcsnap-2016-05-28-14h41m21s142 vlcsnap-2016-05-28-14h42m04s52 vlcsnap-2016-05-28-14h42m19s210

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here