Hay’adda Islamic Relief International  oo Gar-gaar Gaarsiisay  Dad uu Saameeyay Wabiga Shabeelle+Sawirro

0

Hay’adda Islamic Relief International  ayaa maanta gar-gaarkii ugu horeeyay gaarsiisay dadkii uu saameeyay Fataahad uu wabiga Shabeelle ka sameeyay Tuulada Bayxoow oo Hoostaga Magaalada Jowhar.

Abshir Caddow Hiraabe Gudoomiye Ku xigeen Amniga iyo siyaasad Jowhar ayaa tilmaamay in gargaarkan uu muhiim u yahay dadkii uu dhibaatada u geestay Fatahaada wabiga Shabeele ee Tuulada Bayxaaaw.

“Waxaan u mahad Celinaya Hay’adda Islamic Relief International oo gargaarkan na soo Gaarsiisay Waa kii ugu Horeeyay dadkan waa dadkii uu saameeyay Fatahaada Wabiga ee Tuulada Bayxaaw kaliyana Maahee Wabigu waxa uu ku fatahay Tuulooyin hoostaga Dagmooyinka Mahaday iyo Balcad” ayuu yiri Gudoomiye Abshir Caddow Hiraabe

Tuulooyin Hoos Yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhawaan saameeyay wabiga Shabeelle waxaa sidoo kale goobahaas kormeer ku tagay Xubno uu kamid ahaa wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Maxamwed xuseen Odawaa.

 

vlcsnap-2016-05-27-16h59m05s30 vlcsnap-2016-05-27-16h59m24s226 vlcsnap-2016-05-27-16h59m30s34 vlcsnap-2016-05-27-16h59m38s86 vlcsnap-2016-05-27-17h00m18s235 vlcsnap-2016-05-27-17h03m08s163 vlcsnap-2016-05-27-17h03m36s185

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here