Ragii ka Dambeeyay Qaraxyadii ka Dhacay Magaalada Kampala Sanadkii 2010-kii oo La Xukumay

0

Maxkamad ku taala dalka Uganda ayaa xabsi daa’in ku xukuntay shan nin oo lagu helay in ay ka dambeeyeen qaraxyo sanadkii 2010-kii ka dhacay Magaalada Kampala.

Sidoo  kale Labo nin oo kale ayaa Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay min kontan sano oo xarig ah madaama ay ku cadaatay in ay  wax ka ogaayeen qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala sanadkii 2010-kii.

76-qof oo  u badnaa dad yugandhees ah ayaa ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Kampala gaar ahaan goob  lagu daawanayay ciyaartii Finalkii Koobkii aduunkii ee u dhaxeysay xulalkii Spain iyo Holland taasi oo ka dhacday Magaalada Johansburg ee dalka Koonfur Afrika.

Mas’uuliyada qaraxyad ka dhacay Magaalada Kampala ee Uganda sanadkii 2010-kii waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka Dagaalanta.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here