Dhageyso:-Dab Qasare Geystay oo Ka Kacay Xaafadda Cali-kamiin ee Degmada W/nabadda.

0

Wararka Laga helayo Wadada Sodonka Ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Furayaasha oo ku dhow Isgooyska Cali Kamiin ee Degmada Warta-nabadda Ayaa waxa ay Sheegayaan in Goordhow dab Xoogan uu ka Kacay halkaasi.

Lama Oga ilaa iyo hadda dabkaasi waxa sababay hase ahaatee dabka ayaa ku baahay meelo kala duwan oo Ganacsi Ah,Waxaana dabku uu ka kacay Xarun ganacsi oo ku taalla halkaasi oo lagu sameeyo Alaabta guryaha sida Jiifka iyo Fadhiga.

Dadweyne aad u farabadan oo isga yimid Goobaha Ka agdhow halka uu dabku ka Kacay  ayaa kusoo xuumay halka uu dabka ka kacay.

Gawaarida dab damiska Ee Shirkadaha ayaa Gaaray Goobta si dabka u damiyaan inkastoo aan ilaa iyo iminka aan lagu guuleeysan Daminta Dabka Saaka ka Xaafadda Furayaasha.

Mid ka mid ah dadka ku sugan xaafadda uu dabku ka kacay ayaa uga Waramay Radio Simba sida ay wax u dhaceen.

Halkaan Ka dhageyso Codka Goobjoogaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here