Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo ku sugan dalka Denmarka ayaa kulamo la qaatay Jaaliyada Soomaliyeed ee dalkaas.
Kulan dhexmaray Madaxda Jaaliyada ee dalka Denmarka iyo Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa looga hadley doorashada Soomaaliya sanadkan 2016-ka, doorka Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ka qaadan karto horumarka dalka iyo arrimo kale.
Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo kulanka Jaaliyadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ugu horeyn uga warbixiyay xaaladda siyaasaddeed, tan Nabadgelyo iyo horumarka ka jirta dalka, waxaana uu Jaaliyadda ugu baaqay inay u istaagaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalkoodaa.
Intuu ku sugan yahay sidoo kale dalka Denmarka waxa uu kulamo la qaadan doono Madaxda dalka Denmarka isagoo kala hadli Arrimaha Horumarka iyo Doorashooyinka Soomaliya ka dhici doono Sanadkaan.

