Dowlada Kenya oo Sheegtay in ay dishay 15- lagu Tuhmaayo in ay ka Tirsan Yihiin Al-shabaab

0

Dowlada Wadanka Kenya ayaa sheegtay in ay  dishay 15- lagu Tuhmaayo in ka Tirsan Yihiin  ciidamada al-shabaab kadib dagaal ka dhacay deegaanka yantooy ee Gobolka Juba-da dhexe

Afahayeenka ciidamada dowlada Kenya Col David Obonyo oo la Hadlay warbaahinta Gudaha dalka Kenya ayaa sheegay in dagaal dhacay subaxnimadii Maanta ay ku dileen 15- ka Tirsan ciidamada al-shabaab oo ku sugnaa deeganka Yantooy ee Gobolka Jubada-dhexe

Sidoo kale afahayeenka ciidamada dowlada Kenya ayaa sheegay in  Raga lagu Tuhmaayo al-shabaab ee lagu dilay deeganka Yantooy  ay Markii Hore isku dayeen in ay ku baxsadaan Doomo laakin ciidamada dowlada Kenya ay burburiyeen ayna Halkaas  ku dileen 15- lagu Tuhmaayo al-shabaab waa sida uu sheegay Afahayeenka ciidamada dowlada Kenya Col David Obonyo

Afahayeenka ciidamada dowlada Kenya Col David Obonyo ayaa sidoo kale sheegay in deeganka ay la wareegeen ciidamada dowlada Kenya ay Muhiin u Tahay isku xirka Gobolada Jubooyinka ayna al-shabaab weeraro ay kasoo qaadi jireen mudooyinka dambe

Ma uusan shaacin qasaaraha soo Gaaray ciidamada dowlada Kenya intuu socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada al-shabaab iyo ciidamada dowlada Kenya

Dhanka kale shabaab oo ka Hadlay dagaalka ayaa sheegay in qasaaro ay Gaarsiiyeen ciidamada dowlada Kenya kadib dagaal ka dhacay deegaanka yantooy ee Gobolka Juba-da dhexe

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here