Dowlada Wadanka Kenya ayaa sheegtay in ay dishay 15- lagu Tuhmaayo in ka Tirsan Yihiin ciidamada al-shabaab kadib dagaal ka dhacay deegaanka yantooy ee Gobolka Juba-da dhexe
Afahayeenka ciidamada dowlada Kenya Col David Obonyo oo la Hadlay warbaahinta Gudaha dalka Kenya ayaa sheegay in dagaal dhacay subaxnimadii Maanta ay ku dileen 15- ka Tirsan ciidamada al-shabaab oo ku sugnaa deeganka Yantooy ee Gobolka Jubada-dhexe
Sidoo kale afahayeenka ciidamada dowlada Kenya ayaa sheegay in Raga lagu Tuhmaayo al-shabaab ee lagu dilay deeganka Yantooy ay Markii Hore isku dayeen in ay ku baxsadaan Doomo laakin ciidamada dowlada Kenya ay burburiyeen ayna Halkaas ku dileen 15- lagu Tuhmaayo al-shabaab waa sida uu sheegay Afahayeenka ciidamada dowlada Kenya Col David Obonyo
Afahayeenka ciidamada dowlada Kenya Col David Obonyo ayaa sidoo kale sheegay in deeganka ay la wareegeen ciidamada dowlada Kenya ay Muhiin u Tahay isku xirka Gobolada Jubooyinka ayna al-shabaab weeraro ay kasoo qaadi jireen mudooyinka dambe
Ma uusan shaacin qasaaraha soo Gaaray ciidamada dowlada Kenya intuu socday dagaalka u dhaxeeyay ciidamada al-shabaab iyo ciidamada dowlada Kenya
Dhanka kale shabaab oo ka Hadlay dagaalka ayaa sheegay in qasaaro ay Gaarsiiyeen ciidamada dowlada Kenya kadib dagaal ka dhacay deegaanka yantooy ee Gobolka Juba-da dhexe

