Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic ayaa ka hadlay Wararka ku aadan ku biirista kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska.
Laacibka heerka Caalami ee xulka dalka Sweden ayaa tilmaamay in mustaqbalkiisa isaga kaliyah uu go’aasan karo xili heshiiska uu kula jiro kooxda Magaalada Paris ka dhisan uu dhaco dhawaan.
Kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in heshiis ay la gaartay kooxda Manchester United macalinkii hore ee kooxaha Porto, Real Madrid iyo Chelsea Jose Morinho waxaa soo baxay warar ku aadan in Zlatan Ibrahimovic uu ku biiri doono Manchester United.
Lacagaha ay soo bandhigtay Manchester United ayaa lagu qiyaasay £34 million, Oo ah lacagaha lagu heli karo laacibkii Hore ee Barcelona, Inter Milan, Ac Milan Zlatan Ibrahimovic.

