Barcelona oo Soo Bandhigtay Liiska Xidigaha ay Suuqa ka Xiiseenayso iyo Hector Bellerin oo Ugu Cad Cad

0

Daafaca kooxda Arsenal  iyo xulka Dalka Spain Hector Bellerin ayaa hoogaminaya liiska Xidigaha ay Barcelona lasoo wareegi doonto xili Ciyaareedka Dambe.

Majalada Goal.com ayaa ogaatay in xidigaha Dani Alves iyo  Javier Mascherano ay heshiis la gaareen kooxda Juventus ee dalka talyaaniga taasi oo keenaysa in kooxda ay raadiso xidigihii badali lahaa.

Macalinka Akadeemiyada kooxda Barcelona ee La Masia Francesc Garcia Pimienta, ayaa  xiriir la sameeyay daafaca Midig ee kooxda Arsenal si uu u keeno Garoonka Camp Nou Ee Magaalada Barcelona.

Laakin Hector Bellerin oo dhawaan hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Nolosha woqooyiga Magaalada London oo Arsenal ay ka dhisan tahay.

Dhanka kale Barcelona ayaa bartilmaameed wali ka dhigaysa Daafaca kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka dalka Spain Marquinhos  inkastoo PSG aysan dooneenin iibinta xidigaan.

Barcelona ayaa sidoo kale doonaysa daafaca kooxda Las Palmas Mauricio Lemos inkastoo dhawaan ay ku gacan seertay kooxda Las Palmas dalabka kaga yimid Barcelona.

3225902 3225892 2589722_heroa

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here