Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Bogaadiyay Hormarka Somaliya ay Gaartay

0

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Golaha Ammaanka ee QM ayaa Lagu bogaadiyay Hormarka Somaliya ay gaartay illaa iyo 2012-kii xiligaas oo Soomaliya ay ka baxday kmg-ka ay mudo dheer kusoo jirtay,

Hadii doorashada la qabanayo sanadkaan ay sidii loogu talagalay oo nabad iyo Cadaalad ah ay u qabsoonto waxa ay noqon doontaa ayaa lagu yiri warkaan kasoo baxay Golaha Ammaanka Tilaabo Taariikhi ah oo Somaliya ay  horay u qaaday  sidoo kalana waxa ay salka u dhigidoontaa xasiloonida iyo dimimuquraadiyada.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe ayaa soo dhoweeyay nidaamka loo wajahayo Doorashada Sanadkaan lagu wado inay  ka qabsoonto Somaliya iyo Xeerkii uu soo saaray Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Warkaan ayaa lagu xusay Hogaamiyayaasha somalidu in ay shaqo adag u soo galeen sidii ay Somaliya uga gudbi leheed nidaamka ay hadda ku Dhisantahy,waxaana lagu amaanay Madaxweyne Xasan iyo Dawladiisa dadaalka ay wadaan ee ay ku doonayaan Caqabadda hadda jirta ayaa lagu tilmaamay in ay tahay u diyaargarowga iyo Doorashada Somalia.

Ugu dambayntii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe  ayaa ku tilmaamay Doorashada Somaliya inay tahay mid Taariikhi ah madaama ay ku lug leeyihiin Wakiilo aad u farabadan oo Matalaya Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here