Dawlada Kenya oo Sheegtay in 21 Dagaalyahan ay uga Dishay Al-shabaab Dagaal ka Dhacay Gobolka Jubadda Hoose

0

Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda difaaca ee ku sugan Somaliya ay 21 ka tirsan Xarakada Al shabaab  ku dileen dagaalka ka dhacay Gobolka jubadda hoose, sidoo kalana ay ka qabsatay 17 qori oo Ak,5 qori RPG iyo sanaad kale oo hub kadib dagaal ay kula gashay Al shabaab meel u dhow magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose .

Dagaalkaan ayaa dhacay ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada Kenya oo marayay inta u dhaxaysa magaalada Dhoobley iyo deegaanka lagu magaacabo Taabto.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Col David Obonyo,ayaa sheegay in raga ay weerarka ku dileen uu ku jiro Taliye qaybeed Al shabaab u qaabilsanaa deegaankaas oo lagu magacaabo Salad Bart oo la aaminsanyahay in kooxda werarka qaaday uu masuul ka ahaa

Col Obonyo  ma uusan sheegin wax qasaara ah oo dhankooda soo gaaray, waxa uuna intaas ku daray in goobtii dagaalku ka dhacay hadda ay ciidamdoodu gacanta ku hayaan shabaab-na ay isaga careen.

Dhanka kale Sheikh Cabdirixmaan Xudayfa oo ah Gudoomiyaha Al shabaab ugu magacaaban Gobolada Jubooyinka oo dagaalkaan ka hadlay ayaa sheegay in qasaare xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Kenya gaadiid iyo saanad milatarina ay ka qabsadeen kuwa kalana ay ka gubeen waa siduu hadalka u dhigee.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here