Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegay in Al-shabaab gabi ahaanba laga saari doono Gobolada Baay iyo Bakool ka hor Bisha Ramadaan.
Madaxweyne shariif Xasan sheikh aadan ayaa tilmaamay in la diyaariyay dhamaan Ciidamada maamula Koonfur Galbeed soomaliya isla markaana ay maalmaha soo socdo ay weeraro ku qaadi doonaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool.
“Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee maamulka Koonfur Galbeed waa la diyaariyay waxay diyaar u yihiin in ay Gobolada Bay iyo Bakool ay ka saraan Al-shabaab inta aanan la gaarin bisha Barakeysan ee Ramadaan ayuu yiri Madaxweyne Shariif xasan”.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay ay dagaalo ka dhaceen qeybo kamid ah Gobolada Bay iyo Bakool oo wali ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

