Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.
Gudoomiyaha Gobolada Jubbooyinka ee Al Shabaab, Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Haawinaa inay ku dileen, kuna dhaawaceen askar fara-badan oo Kenyan ah.
Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa tilmaamay In ciidamo sida gaarka ah u tababaran oo ka tirsan Al-shabaab in ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya iyo kuwa juba-land islamaarkana ay dileen askar ayna gubeen gadiid dagaal.
Dowlada Kenya oo dhankeeda dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in ay duqeyn diyaaradeed ay ku dishay ciidamo ka tirsan Al-shabaab dhawaana ay soo bandhigi doonto.

