Dadka ku nool Xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku eedeeyeen Gudoomiyaha degmada Dharkinley in uu horkacayo barakicin lagu haayo Shacabka ku nool Xaafadaas.
Mid kamid ah dadka deegaanka Xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkinley ayaa idaacada simba u sheegay in Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha degmada Dharkinley in ay xalay weerar kusoo qaadeen Xaafada isla markaana ay dagaal kala hortageen.
Shalay ilaa xalay waxaa jirey xabado laga maqlayay Gudaha Degmada Dharkinley gaar ahaan Xaafada Macalimow.

