Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dalka Turkiga dhawaana kaga qeyb galay Shirkii loogu hadlaayay Arrimaha Bini’aadanimada ayaa ka hadlay dib u soo celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Wadanka Kenya.
Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa dowlada Kenya ugu mahadceliyay sida ay ugu adkeysatay in muddo 25-sano ah ay dalkeeda ku hayso Qaxootiga aadka u faraha badan ee Soomaliya ay ku jirto.
“Kenya way ku Amaanantahay sida ay u marti galisay Qaxootiga Soomaliyeed oo muddo ka hor ka cararay Coladihii Soomaliya, balse ma ahan in si qasab ah lagu soo Celiyo Qaxootiga ayuu yiri Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud”.
Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in booqasho uu ku tagi doono dalka Kenya si Madaxda Kenya iyo Somalia ay uga wada hadlaan dib u soo cilinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan.
Hadalka Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa imaanaya xili Dowlada Kenya ay qaadatay go’aan ay ku sheegtay in ay dib u soo celineeyso Qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Xeryaha Qaxootiga Ee Wadanka Kenya.

