Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), oo Maata Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Beledweyne ayaa Dowlada Soomaliya iyo Beesha Caalamka ugu baaqay in gar-gaar lasoo gaaraan dadka shacab uu saameeyay Fatahaad Wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne.
Mudane Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa tilmaamay in dadka ay isugu darsameen Fatahaada Wabiga iyo Dagaal beeleed maalmo ka socday Xaafada Holwadaag ee Galbeedka Magaalada Beledweyne isla markaana haatan uu hakad ku jiro Dhaq-dhaqaaqii Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne.
“Waxaan ka codsanaynaa Dowladda Somaliya iyo Caalamkaba in ay wax nala qabtaan oo gurmad ay inoo sameeyaan.” Ayuu yiri Yuusuf Axmed Hagar oo Maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Magaalada Beledweye waxaa haatan laga dareemayaa Fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle ee Mara Magaaladaas waxaa sidoo kale Maalmihii dambe ka jirey Dagaal beeleed u dhaxeeyay Labo Meeleeshiyo beeleed.

