Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa ku waramaya in dagaal xoogan in uu haatan halkaas ka socdo.
Dagaal ayaa la tilmaamayaa in uu u dhaxeeyo Ciidamo ka Tirsan Kuwa dowlada, Amisom oo isku dhinac ah, iyo Al-shabaab oo la sheegay in ay degmada Dhoobley weerar ku qaadeen.
Dagaalka ayaa markii hore ku bilowday sida la sheegay weerar dhabagal ahaa ay Ciidamada Al-shabaab ku qaadeen Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya iyo Amisom oo kusoo jeeday Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Dhexe.

