
William Rutto oo ka hadlayay Shirka Arrimaha bini’aadminda looga hadlayay ee ka socda dalka Turkiga ayaa sheegay in beesha caalamku ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato Xaalada Amaan ee Soomaliya ka jirta.
“Xerada Dhadhaab waxa ka jira Qatar Amaan oo soo kordhaysa oo kaga imaanaysa Somaliya weeraro kala duwan oo Argagixiso ayay kala kulantay Kenya sida wererarkii westgate 2013 iyo kii jaamacada Gaarisa 2015-kii iyo kuwa kale dhamaantoodna waxa laga soo qorsheeyay Dhadhaab ayuu yiri Rutto’.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto ayaa tilmaamay in xeradaan ay hoy u noqotay kooxo Argagixiso ah oo Alshabaab iyo alqaacido ay ku jiran Qatar badana ay kaga soo fooleedahay dalka Kenya.
Madaxweyna ku xigeenkka ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan gaar ah la yeesho Xog-haya guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki-Moon waxa uuna kala hadli doonaa walaaca ay ka qabaan Xerada Dhadhaab,
Dawlada Kenya ayaa sheegtay in 7 billion oo Doollar ay ku bixisay Xereda Dhadhaab Rubac qarnigii u dambeeyay
