Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaari qaad waday oo ka yimid Degmada Beled Xaawo, kuna sii jeeday Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolkaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaliya ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaari qaadka usoo waday Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Weerarkan, ayaa ka dhacay deegaanka Kamoor Waraabey, markii ay Shabaabku rasaas oodda kaga qaadeen gaarigaasi, oo ay la socdeen saddex nin, oo lagu kala sheegay darawalkii gaariga waday iyo nin kaloo ganacsade ahaa iyo ruux gaari la socday.
Afhayeenka Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Rufle, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay gaari ku qaadeen Al-shabaab isla markaana ay ku gacanta ku hayaan gaari qaadka waday iyo ninkii wada ahaa.

