Kooxo Hubeysan ayaa habeenkiii xalay ahaa dil ka geystay Gudaha degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.
Warar isqilaafsan oo dilka kasoo baxaya ayaa sheegaya in ruuxa la dilay uu ka tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaliya halka warar kale ay sheegayaan in ruuxa la dilay uu kamid ahaa Dhalinyarada Degmada Dharkinley ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa dhowr xabadood ayaa la sheegay in ay ku dhufteen iyagoo markii dambe goobta ka baxsaday sida ay warbaahinta Simba u sheegeen dad ku sugnaa goobta uu falka dilka uu ka dhacay.
Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaliya oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guuldareystay soo qabashada Raga dilka geystay.

