Daawo Sawirada Sida Madaxweynaha Puntland loogu soo dhoweeyay Magaalada Garowe

0

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25-10-2015 siweyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland , oo muddo ku dhow saddex bilood uu uga maqnaa safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

Bannaanka hore ee magaalada ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa si Habsami leh ugu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Haween, Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale duwan oo diyaar garow xoogan ugu jiray soo dhaweynta Madaxweynaha.

Shacabkii ka qeyb-qaadanayey soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa watay boorar lagu dhajiyey sawirka Madaxweynaha , Calanka Puntland , Caleemo qoyan iyo hal ku dhigyo kala duwan oo ay ku bogaadinayeen howsha horumarineed ee uu Gobalka Mudug u joogay Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan Madaxdii iyo shacabkii soo dhaweeyey u mahadceliyey , waxaana uu ku bogaadiyey dadaalka ay ugu jiraan ka qeyb-qaadashada horumarka baaxadda leh ee ka soconaya Puntland.

Soo laabashada Madaxweynaha ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa salka ku haysa sidii uu u furi lahaa kalfadhiga 36-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta si rasmi ah u furmaya.

IMG_31571 IMG_31561 IMG_31551 IMG_31491 IMG_31411 IMG_31381 IMG_3033 IMG_30781 IMG_30911 IMG_30971 IMG_31051 IMG_31201

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here