Maamulka Degmada Baardheere oo Beeniyay la Wareegitaanka Al-shabaab Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere

0

Maamulka degmada Baardheere ee Xarunta Gobolka Gedo ee dowlada soomaliya ayaa ka warbixiyay dagaalo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee koonfurta Dalka soomaliya

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo C/laahi Nuur Xasan oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka ku aadan in al-shabaab ay la wareegeen qeybo kamid ah meelaha ugu Muhiinsan Magaalada Baardheere ee Gobolka gedo gaar ahaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere

C/laahi Nuur Xasan Gudoomiyaha Degmada baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku Tilmaamay been abuur wararka qaar ay warbaahinta  qoreen oo ku aadan in al-shabaab ay la wareegeen saldhiga degmada Baardheere iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada baardheere ee Gobolka Gedo kadib dagaal ka dhacay Gobolka

Dhanka kale Wali war Rasmi ah kama soo Bixin dhanka  al-shabaab ay kaga Hadlayaan la wareegitaanka garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere  iyo saldhiga Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo

wixii ku soo kordha kala soco simbanews.com

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here