Shir Loogu Hadlaayo Biniaadanimada oo Maanta ka Furmaya Magaalada Istanbul ee Dalka Turky-ga

0

Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga waxaa maanta ka furmaya shir loogu hadlaayo Biniaadanimada waxaa ka qeyb galaya 6,000-kun oo wufuud ah oo ka kala yimid dunida,  madax ka socota Beesha Caalamka Ururada  u Dhaq-dhaqaaqa Biniaadanimada.

Soomaaliya oo ka mid ah waddamada Shirkaasi ka qeybgalaya ayaa waxay ku soo bandhigi doonta sida ay u socdaan Hawlaha gargaarka, iyo sida loo tayeyn karo gargaarka loo fidiyo Wadanka Soomaaliya si ay saameyn waxtar leh ugu yeelato shacabka Soomaliyeed.

Shirweynaha ka dhacaya Magaalada Istanbul ee dalka Turky-ga waxaa dhinac socon doona  kulan gaar ah oo lagu eegayo Xaaladda Biniaadanimo  iyo tan  Samafalka ee Soomaaliya Xiligaan ka jirta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here