Xildhibaan Goodax:- “ Talaabada uu Qaaday Madaxweyne Xasan Sheikh Waa Talaabo u Muuqata Mid Qaldan”.

0

Kadib markii Madaxweynaha Soomaliya  Xasan Shiikh Maxamuud uu go’aan  ka gaaray Hanaanka doorashada Soomaliya dhacaysa Sanadkaan 2016-ka ayaa waxaa araktiyo kala duwan ka bixiyay Go’aanka Madaxweynaha qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in go’aan qaldan uu ahaa talaabada uu madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ku Ansixiyay Hanaanka doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan.

“ Talaabada uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waa talaabo u muuqata Qiyaano Qaran uu dalka ka galay ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo kamid ah xildhibaanada ee  kasoo horjeeda Go’aanka uu madaxweynaha ku meel mariyay Hanaanka Doorashada.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in damac Siyaadeed uu ka leeyahay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Go’aanka uu ku Ansixiyay Hanaanka Doorashada Soomaliya, wuxuu hadalkiiisa ku daray in go’aaanka uu dhaawacayo wada-hadalkii u dhaxeeyay Soomaliya iyo Soomali-land.

Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ayaa la dhacsan Go’aanka uu madaxweynaha Soomaliya ku Ansixiyay Hanaanka Doorashada isagoo ku sifeeyay sababta kadib markii Xidlhibaanada ay ku guul dareysteen meel marinta Hanaanka Doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here