Maamulka Juba-land ayaa soo dhaweeyay Go’aanka uu madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ku Ansixiyay Hanaanka doorashada soomaliya oo mudooyinkii dambe is qab-qabsi Siyaasadeed uu ka jirey.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Juba-land Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweynaha Soomaliya ka gaaray Hanaanka Doorashada Soomaliya ka Dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.


