Ciidamada Jabuuti oo Kala Dhex-galay Meleeshiyo Beeleedkii ku Dagaalamayay Baledweyne

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM  in ay ku guuleysteen kala dhex galida labo maleeshiyo beeleed oo maalmihii dambe ku dagaalamay Xaafada holwadaag ee Magaalada Beledweyne.

Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Holwgalka AMISOM ee kala dhex galay labadaasi Maleeshiyo beeleed ayaa waxaa kaabayay Ciidamada Dowladda Somaliya iyo maleeshiyaad kale, oo deegaanka ah.

Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan  ayaa sheegay in lagu guuleystay daminta dagaalka maalmihii dambe ka socday xaafada Holwadaag ee Galbeedka Magaalada Beledweyne.

Dagaalka maalmihii dambe ka dhacayay Magaalada Beledweyne  ee Gobolka Hiiraan waxaa dhinac socday Fatahaad uu sameenayay Wabiga shabeelle oo la sheegay in uu baabi’iyay Guryo badan oo ku yaala Xaafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here