Pentagonga maraykanka ayaa war uu horay usoo saaray waxaa ku sheegay in diyaarada Dronesk-ka ee dalka maraykanku ay duqayn ku dileen Hogaamiyihii Ururka Talibaan ee dalka Pakistan Mullah Akhtar Mohammad Mansoor iyo xubno kale
Balse Ururka Talibaan ayaa soo saaray war uu ku beeninayo arrintaas waxaana ay sheegeen in hogaamiyahoodii weli uu noolyahay
Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa la tilmaamay in uu bixiyay ammar lagu qaarajinayo hogaamiyaas ku dhuumaalaysanayay dhul miyi ah.
War kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dalka Pakistaan waxaa lagu sheegay in weerarkaas uu dhacay balse lama xaqiijin in hogaamiyahaas uu ku geeriyooday.
Afhayeen u hadlay pentagonka Mareykanka oo lagu magacaabo Peter Cook waxa uu sheegay in gadaal ay kasoo sheegi doonaan wixii kusoo kordha dhacdadaan.

