War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka walaacsantahay dib u dhac wali ka jira hanaanka Doorashada Somaliya ee 2016-ka.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu cadeeyay in Dowladda Federalka Somalia, Baarlamanka iyo Hogaamiyeyaasha maamul Goboleedyada ay ku celceliyeen inay ka go’antahay in doorashadu ay ku qabsoonto waqtigeeda,
Warka kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa looga dalbaday Baarlamanka Soomaliya in uu si deg deg ah u ansixiyo Hanaanka doorashada dalka madaama wali ay jiraan is qab-qabsiga ka dhaxeeya madaxda dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka Ka jira.
Beesha caalamka ayaa ka walaacan is mari waaga ka dhex jira Madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka ka Jira.

