Dagaal Beeleed Xalay Mar kale ka Dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan xalay waxaa mar kale  ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay Xaafada Holwadaag ee Galbeedka Magaalada.

Dad ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in habeenimadii xalay uu dagaal mar kale ka bilowday Xaafada Holwadaag kadib markii Meleeshiyaadkii is hor fadhiyay ay rasaasta bilaabeen taasi oo keentay dagaal xoogan in uu mar kale ka qarxo Xaafada holwadaag.

Maamulka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa wali isku dayaya xasilinta dagaalka maalmihii dambe ka socday xaafada Holwadaag oo dad badan ay ku dhinteen

Dhanka kale waxaa wali magaalada ka taagan Fatahaadii uu wabiga shabeela ka sameynayay gudaha magaalada baladweyne oo qayba kala duwan uu ka maro magaalada baladweyne.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here