Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo ku Wajahan Magaalada Addis Ababa

0

wararka Naga soo Gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed soomaliya Shariif xasan shiikh aadan iyo wafdi uu Hogaaminaayo ay saakay ku wajahan Yihiin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia

Afahayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya C/qaadir cashar Nadaara oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed  ay ku  wajahan Yihiiin saacadaha soo socda Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethopia

Dhanka kale afahayeenka Maamulka Koonfur Galbeedka Soomaliya C/qaadir cashar Nadaara ma uusan shaacin sababaha  safarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif xasan shiikh aadan uu ku Tagi doono Magaalada addis Ababa ee xarunta Dalka Ethopia

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here