Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa booqasho ku maraya qaar kamid ah Magaalooyinka Gobolka Woqooyi Bari dalka Kenya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta Kenya oo markii ugu horaysay gaaray Gobolka Somalida Kenya ku badan tahay, ayaa wuxuu u tagey, sidii uu kaga dhawaaqi lahaa mashaariic horumarineed oo Gobolkaasi laga fuliyo.
Markuu gaaray Madaxweynaha Magaalada Mandheere waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay soomalida halkaas ku dhaqan wuxuuna madaxweynaha kulamo la qaatay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka woqooyi bari dalka Kenya.









