Ceelashii Biyaha Laga Cabbijiray Ee Deegaanka Goof-gaduud oo Go’ay.

0

Deegaanka Goofgaduud oo ka mid ah deegaanada Hoosyimaada Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagasoo sheegayaa duruufo xooggan oo dhanka noloasha ah.

Waxaa lagusoo waramayaa in deegaankaasi ay ka jirto biya yari xooggan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada kadib markii uu jabay ceel biyoodkii biyaha ay ka cabijireen dadka halkaasi ku nool.

Guddoomiyaha deegaankaasi XuseenXasan Wardheere ayaa u sheegay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho in in gabi ahaanba uu jabay ceelkii biyaha ee deegaankaasi oo ahaa ceel matoor ku shaqeeya oo la sameeyey xilligii dowladdii milatariga ee Soomaaliya wixii inbtaa ka dambeeyey illaa haddana uu shaqeeynayey balse uu hallaabay kadib markii mudadaasi uusan helin wax dayac tira sida uu sheegay.

Guddoomiyaha oo sii hadlaya ayaa sheegay in saameyn xooggan ay ka dhalatay arintaan oo uu sheegay in dadkii iyo duunyadii deegaankaasi ay haysato dhaibaato dinacyo badan leh oo ay ugu horreyso biyo la’aanta kusoo korortay.

Waxaa uu ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in ay ku garabsiiyaan gurmad u sameynta dadka halkaa ku dhibaataysan ee biya la’aantu hayso.

Deegaanka Goofgaduud oo ka mid ah deegaanada u go’doonsan Al-shabaab waxaana dhawaanahaan ka jiray dhibaatooyin haysta dadka ku nool halkaasi waxaana sidoo kale dhawaan ka dillaacay cudurro kala duwan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here