Nabadoon Maxamed Yacquub Isxaaq oo ka mid ah Nabadoonada Kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo la hadlay Radio Simba ayaa waxaa uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay dagaalada Wali ka socda Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee u dhexeeya laba beelood oo wada daga Magaaladaasi.
Nabadoonka ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalkaasi oo natiijada ka dhalaneysa ay tahay Dhaimasho,dhaawac,burbur hantiyadeed iyo waliba Barakac dad rayid ah oo aan awoodin in magaalada ay ka baxaan.
Maxamed Yacquub Isxaaq waxaa uu ku Eedeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Jabuuti eek u sugan Baladweyn in ay masuul ka yihiin sii socoshada Colaadda sida uu hadalka u dhigay qaybna ay ka yihiin hurinta dagaalka.
Waxaa uu sheegay in markii meel ka mid ah gobolada dalka uu sidaan oo kale ka dhaco dagaal beeleed in Dowladdu ay wafuud xalliya u dirto,balse wali aysan dhicin in dowladdu xitaa ay ka hadasho dagaalada Maalintii afaraad galay ee maleeshiya beeleedka ku dhaxmaraya Baladweyn gaar ahaan Maamulka Dowladda ee Gobolkaasi Hiiraan,waxaana dhanka kale uu ku eedeeyey Ciidamada AMISOM in ay u kala Eexanayaan beelaha dagaalamaya ,taasi oo uu sheegay in ay sii fogeyneyso sii socoshada dagaalka.
Nabadoon Maxamed Yacquub Isxaaq ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya in dagaalka ay joojiyaan waxyaabaha ay kala tabanayaanna ay ku xalliyaan Miiska Wada-hadalka si ay u suuragasho in nabad iyo barwaaqo ay ku noolaadaan dadka wada daga goobaha ay dagaaladu ka socdaan ee gobolka Hiiraan.
Magaalada Baladweyn gaar ahaan Xaafadda Howl-wadaag ayaa waxaa ka socda Maalintii Afaraad dagaallo u dhexeeya Maleeshiyaad kala taabacsan laba ka mid ah beelaha wada daga gobolkaasi gaar ahaan magaalo madaxda gobolkaasi ee Baladweyn waxaana muuqan hadda dadaallo lagu xallinaayo dagaalkaasi dhiiggu ku daadanayo kadib markii ay suuragaliwaayeen dadaallo lagu doonayey in lagu xalliyo xiisadda halkaa ka tagan.

