Banaanbax Lagu Dalbanayay Helida Xaquuqda Gobolka Banaadir oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

0

Banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen qeybo bulshada ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiinta maamulka ayaa maanta ka dhacay afafka hore xarunta Baarlamanka Soomaaliya.

Ujeedka Banaanbaxa maanta  dhacay ayaa lagu sheegay in Gobolka Banaadir loo  helo xuquuqda uu ku leeyahay Aqalka sare ee Baarlamaanka, oo dhawaan ay kuwada heshiiyeen madaxda dowlada soomaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Ugu horeyntii Xildhibaan Ducaale oo ka mid ah Xildhibaanada  Baarlamaanka soomaliya ayaa sheegay in Gobolka Banaadir ay tahay Caasimada dalka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in xuquuqdiisa helo.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo warbaahinta kula hadlay goobta uu banaanbaxa ka dhacayay ayaa sheegay in ay doonayaan in ay helaan xaquuqdooda dad ay mas’uulka ka yihiin ee Gobolka Banaadir.

banan-bax-banaadir-1 banan-bax-banaadir-2 banan-bax-banaadir-3 banan-bax-banaadir-4 banan-bax-banaadir-5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here