Wasiirka Cusub ee Beeraha Jubbaland oo ugu baaqay Dhallinayarada Ka Tirsan Al Shabaab in ay isa Soo Dhiibaan

0

Wasiirka Cusub ee Beeraha Maamulka Jubbaland Geelle Maxamuud Aadan oo u Waramey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Dhalinyarada Soomaaliyeed ka Bar-bar Dagaalama Al-shabaab  inay ku soo biiraan Maamulka Jubbland oo uu Sheegay in Ahmiyad gaar ah uu siin doono Dhalinyarada ka soo goosatay Al-shabaab.

Wasiirka Geelle  ayaa Al-shabaab ku Eedeeyey inay Marin habaabiyeen Dhalinyaro Faro badan oo ay u Adeegsadaan Dagaalada ay kaga soo Horjeedaan Dowlada Federalka,maamul Gobaleedyada iyo Ciidamada Howlgalka AMISOM.

“Xukuumada Cusub ee Dowlada Jubbaland waxay ay Xil Weyn iska saari Doontaa in si dag dag ah loo Sameeyo Qorshe Waxtar u leh Dhaliyarada ka tirsan Al-shabaab, Dowlada Dhexe iyo Wadamada Taageera Soomaaliya waxaan ka codsaneynaa inay gacan ka Geystaan Dhaqan Celinta Dhalinyaradaas, Waan Ognahay in Dowlada Soomaaliya ay Siyaasad gaar ah ka leedahay Dhaliyarada u Dagaalanta Al-shabaab waxaan Dowlada u soo jeedinayaa inay soo dadajiso Qorshahaas”

Wasiir Geelle Maxamuud Aadan ayaa Shalay waxaa loo Mgacaabay Wasiirka Wasaarada Beeraha Maamulka Jubbaland ka dib Wareegto kasoo baxday  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo uu ku soo dhisay Golaha Wasiirada Cusub Maamulkiisa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here