Diyaaradii laga lahaa dalka Masar ee saakay Aroortii la Waayay maqalkeeda ayaa la xaqiijiyay goordhaweyd In ay ku burburtay biyaha badda Mediterranean.
Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, oo televishinka dalka France la hadlay goor sii horeysay ayaa xaqiijiyay burburka diyaarada laga lahaa dalka Masar ee xalay kasoo duushay Magaalada Paris ee dalka France.
Diyaaradan oo ay la socdeen 56 rakaab ah iyo 10 shaqaalaha diyaaradda ah, ayaa waxay xalay ka soo duushay Magaalada Paris, ee dalka France iyadoona ku sii jeeday Magaalada Qaahira. Ee caasimada dalka Masar.
Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa dhankooda sheegay in ay wali baadi-goobayaan diyaarada isla markaana ay warbaahinta la wadaagi doonaan xogaha laga helo diyaarada.

