Wasiirka Arimaha gudaha Xukumada Soomaaliya ayaa Cambaareyey dagaalka soo cusboonaday Magaalada B/weyn ee Gobolka Hiiraan kaasi oo uu ku tilmaamay Nasiib daro u soo hoyatay Umada Soomaaliyeed.
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo Magaalada Jowhar u gaarey Maamul u sameynta Gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Sheegay in Xukumada Soomaaliya ay aad uga Xuntahay Dagaalka Dhiigu uu ku Daatay ee ka soo cusboonaaday Magaalada Beled-weyne Gaar ahaan Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaaladaasi.
Wasiir Odawaa ” Waqtigaan waa xiligii Soomaalidu ay ka wada tashan la heyd Sidii looga Bixi lahaa Maamul Xumada, kala Qoqobnaanta, Faqriga iyo la dagaalanka Argagixisada Xukumada Soomaaliya kama Gaabin doonto Daminta Colaada Beled-weyne”
Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ku baaqay in si dag dag ah loo joojiyo Dagaalka Maalintii laga baad galay Magaalada Beled-weyne kaasi oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada daga Magaaladaas.
Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Magaalada Beled-weyne ayaa dhowr jeer oo hore waxaa kala dhex-galay Ugaasyada Labada Beelood, Maamulka Gobalka,Dowlada Dhexe ee Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM Gaar ahaan kuwa Dalka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan waxaana hada Muuqata in dhamaan ay Guuldareysteen Hishiisyada kala dhex-dhigay Dhinacyada ku Dagaalamaya Magaalada Beled-weyn.

