Waxgaradka Shirka Jowhar oo ka digay in la da dajiyo Shirka Jowhar.

0

Xili Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya C/raxmaan Odowaa uu gaaray Magaalada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe islamarkaasina uu sheegay in la da dajin doono Shirkaasi ayaa waxaa arintaasi si weeyn uga soo horjeeystay Waxgaradka iyo Nabadoonada ka qeeybgalaya Magaalada Jowhar.

Nabadoon Abuukar Cabdullaahi Isaaq oo Ku Sugan Magaalada Jowhar Ayaa Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Somalia ku eedeeyay in uu doonayo Majara habaabinta Shirka Jowhar.

Waxa uu ku baaqay in Maamulka Loo Sameeynayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu la mid noqdo kan Gal-Mudug oo kale oo Waqti dheer dowladu ay ku bixisay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Somalia C/raxmaan Odowaa Ayaa Maanta lagu wadaa in uu kulan la qaato odoyaasha ku sugan Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here