15-Xubnood oo ka socdo Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobe Ayaa Maanta oo Khamiis ah Taariiqduna ay ku beegantahay 19-ka May Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafuudaan oo ah wafdi xaqiiqo raadin ah ayaa Markii ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho Waxa ay kulamo la qaadan Doonaan Madaxda Dowlada Somalia.
Wafuudaan Ayaa Madaxda Dowlada Kala hadlaya Arimo la xariira Doorashada Dalka iyo kaalinta Qaramada Midoobe ay ku yeelan karto Doorashada dalka ka dhaceeysa.
Xog-hayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Bankimoon ayaa soo diray Guddigaan Xaqiiqo Raadinta ah Ee Ka Socdo Qaramada Midoobe.
imaanshiyaha wafdigaan ayaa waxa ay ku soo beegmeeysaa xili Maanta Muqdisho ay ku shirsanyihiin Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka iyo Madaxda Dowlada Sooomaaliya.

