Maanta oo Khamiis Ah ayaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo Shir ay yeelanayaan madaxda Dowlada Somalia iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka iyo xubnaha Beesha caalamka.
Madaxweynayaasha Maamulada Gal-Mudug Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Ayaa Saakay soo gaaraya Magaalada Muqdisho.
Shirka Madaxdaan Soomaalida ah iyo Beesha caalamka ayaa maanta waxaa hareeyn doono Ansixin la’aanta Baarlamaanka Soomaaliya Ee Natiijadii ka soo baxday shirkii madasha wadatashiga Qaran Ee Muqdisho ka dhacay Bishii hore.
Shirkaan Ayaa waxaa sidoo kale soo xaadiri doono Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo laga weeydiin doono sababta ay Baarlamaanka wali u meel marin la’yihiin Wixii ka soo baxay shirkii Madaxda Soomaalida ah Ee Doorashooyinka dalka.
Shirkaan wixii ku soo kordha dib kala soco Insha Allah

