Dowlada Wadanka Masar ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku Dhibaateysan Doomaaliya iyo Kenya ugu deeqday Lacago

0

Warkaani oo kasoo baxay wasaaradda arimaha dibadda masar ayaa lagu sheegay in dowladda masar ay lacago u deeqday dadka soomaalida ah ku dhibaateysan gudaha dalka iyo waliba kuwa qaxootiga ku ah Wadanka kenya.

Wasaaradda arimaha dibadda masar ayaa xustay in lacagahaani ay usoo marin doonto safaaradooda muqdisho si ay u gudoonsiiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“ku dhawaad 2-milyan oo soomaali ah ayaa ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya waxa ayna u baahan yihiin gurmad lala gaaro maxaa yeelay waa dad u baahan gurmad waqtigaani, ” sidaana waxaa yiri wasiirka arimaha dibadda dibadda masar.

“Dabcan warkaani waxa uu daba joogaa kulankii dhawaan looga arinsanaye qaxootiga Soomaaliyeed iyo waliba kuwa ku barakacay dalka gudihiisa, kaalmadeenane waa mid sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgalin doono” sidaana waxaa markale yiri wasiirka arimaha dibadda Masar.

dowladda masar ayaa kamid ah dowlado carbeed oo taageero xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyadoona ay xusid mudan tahay in ay jiraan dowladdo tiro dhowr jeer ah balan qaadyo u sameeyey Soomaaliya inkastoo aysan wali fulin balamadaasi.

balan u qaadista dadka Soomaaliyeed ee dhibaateesan ayaa xiligaani waxa ay u muuqataa in ay sii kordhayso maadaama la saadaalinaayo in fatahaado uu sameyn doono wabiga shabeelle iyadoona uu bar-bar socon doonaan roobab daadad wata sida lagu sheegay saadaalin la sameeyey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here